Breaking news

Dowlada Oo Wada Wacya galinta Dhalinyarada Muqdisho

Kulankaani oo ahaa mid uu soo qaban qaabiyaay xafiiska dhalinyarada degmada Wadajir ee gobolka Benaadir ayaa waxa ka qaybgalay guddoomiyaha dhalinyarda maamulka gobolka Banaadir, qaar kamid ah guddoomiyasha dhalinyarada 17ka degmo ee gobolka, kaasi oo lagu qabtay xarunta maamulka degmada wadajir.

kulanka ayaa waxa uu ujeedkiisu ahaa doorka dhalinyarada gobolka ay ka qaadan karaan sugidda amaanka iyo horumarka bulshada, waxaana inta uu kulanka socday gudoomiyahadhalinyarada maamulka gobolka looga warbixiyay waxqabadka dhalinyarada degmada Wadajir oo ay ka mid ahaayeen dhinacyada waxbarasha, caafimaadka iyo nadaafada degmada, islamarkaana ay ka qaybqaatan hawlaha sugidda amniga

Fanaaninta kooxda degmada Wadajir Band ayaa goobta ku soo bandhigay suugaan ay kaga hadlayeen ahmiyadda Nabadda iyo sida ay dhalintu uga qeyb qaadan karto xoojinta arrimahaasi.

Guddoomiyaha dhalinyarada degmada wadajir Cabdikariin Cadoow ayaa sheegay inay ka go’antahay sidii dhalinta degmada ku dhaqan loogu baraarujin lahaa inay ka qeyb qaataan horumarinta Nabadda iyo ka hortagidda kooxaha dhibaatada ku haya bulshada.

Guddoomiyaha dhalinyarada degmada Xamarwayne Nuur Maxamed Cali oo ku hadlayay codka guddoomiyeyaasha dhalinyarada 17ka degmo ee gobolka ayaa sheegay in dhalinyarada degmada Wadajir ay mudanyihiin in lagu daydo, isagoo dhalinta kale ee degmooyinka Gobolka sheegay in looga fadhiyo inay ka qeyb qaataan amniga iyo horumarka Gobolka.

Ugu Dambeyntii waxaa munaasabadda hadalka jeediyay Guddoomiyaha dhalinyarada Gobolka Benaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaraan oo ka mahadceliyay qaban qaabada kulanka lagu wacyigelinayo dhalinyarada waxaana uu ka codsaday Maamulka Gobolka Benaadir iyo Maamulada Degmooyinka inay howlgeliyaan xafiisyada dhalinyarada ee aan weli la howlgelin, maadaama dhalinyaradu ay yihiin mustaqbalka berri

Kulankan lagu wacyigelinayo dhalinyarada ayaa ah kii labaad ee noociisa oo loo qabto dhalinyaro, iyadoo kulankan kii ka horeeyay lagu qabtay xarunta Degmada Howlwadaag ee gobolka Benaadir.

curubo like

Hindi AF-somaali

ek khiladi Af-Soomaali
- Dec 17, 2016
The movie story deals with Venky who goes against Warangal’s dreaded don Babji by ...
Crook: It’s Good To Be Bad Af-Soomaali
- Dec 9, 2016

dishkiyaoon Af-Soomaali
- Nov 30, 2016
- Harman Baweja, Sunny Deol, Ayesha Khanna, Aditya Pancholi, Aditya Pancholi, Prashant Narayanan and ...
bajirao yogi Af-somaali
- Nov 25, 2016

raaz 2 Af-Soomaali
- Nov 19, 2016

Ae Dil Hai Mushkil Af-somaali
- Nov 13, 2016

RoAR tiger of sundarbans Af-Somaali
- Nov 8, 2016

Jai Veeru Af-Soomaali
- Oct 28, 2016
Jai Veeru in which once inseparable pals, Jai (Fardeen Khan) and Veeru (Kunal Khemu) ...
Lion Af-Soomaali
- Oct 20, 2016

Naughty @ 40 Af-Soomaali
- Oct 15, 2016
Laxminarayan lives in London along with his religious wife, Maya, son Ravinder, and two ...
10 ka Dum Af-Soomaali
- Oct 12, 2016
Vikram is a momentous driver, who can do the mind blowing in only ten ...
Bezubaan Ishq Af Somali
- Oct 9, 2016
The film has been shot in various parts of India like Jaipur, Jaisalmer and ...
Hindi Action (Athidhi) Af-Soomali
- Oct 2, 2016
An orphan boy, named Sunil, wanders through all of Delhi looking for a job. ...
Aaj Ka Naya Khiladi Af Somaali
- Sep 28, 2016
Superhit Action Movie Aaj Ka Naya Khiladi Hindi Dubbed version of Telugu movie Rechhipo. Synopsis: ...
Thadaka Af-Somaali
- Sep 24, 2016

error: Content is protected !!
Advertisements