Breaking news

Daawo”R/wasaaraha iyo Hogaamiyayaasha Gobolada Oo Qado Sharaf loogu Sameyay Xeebta liido

Muqdisho, Feb, 06, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa maanta ka qayb galay qado sharaf uu ku marti qaaday Imaan Maxamed Yuusuf Islow, kulan kaas qadada ah ayaa ka dhacay hoteelka Beach Veiw oo ku yaala xeebta liido.

Ra’iisul Wasaaraha aya uga mahadceliyey qaban qaabiyayaasha qadada, sida wanaagsan ee ay usoo dhaweyeen martida isigu timid qadadaan, isagoona ku tilmaamay iney muujinayso ka soo qaybgalkeedu ka miro dhalinta dadaalada lagu doonayo in lagu walaaleeyo dadka Soomaaliyeed.

“Waxaa hada muuqta rajo wanaagsan oo muujinaysa in dadka Soomaaliyeed ay doonayaan iney badalaan dhaqankii waayahaan danbe kala fogeeyey Soomaalida oo ahaa in qofba deegaankiisa iska joogo, waxaa hada hortayda fadhiya madaxweynayaasha Puntland, Jubaland, iyo Koonfur Galbeed, waxayna tani tusaale u noqon doontaa in martiqaad kan la mid ah lagu qabto gobolada kala duwan ee dalka, loona wada hadlo si Soomaalinimo ah”

“War-murtiyeedkii maanta waxaa laga dheehan karaa in si wada jir ah loogu wada istaago sidii dalka loo gaarsiin lahaa higsiga 2016, taas oo qof walba oo Soomaaliyeed uu rajaynayo inuu arko Soomaaliya oo ay ka dhacdo doorashooyin” ayuu yiri RW Cumar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhanka kale sheegay inuu xalay soo magacaabay xukuumad kadib wadatashi dheer, kana rajaynayo baarlamaanka iney codka kalsoonida siiyaan si ay u qabsato shaqooyinka baaxada leh ee horyaala.

“Waxaa dib u dhac ku yimid howlihii dowlada, dalkuna ma sii xamili karo inuu saan ku sii socdo, xukuumadda aan soo dhisayna waa mid aan ku soo xulay karti iyo aqoon, hadii aan u wajano marxalada taagan si wada jir ah, dalkaan waxaan gaarsiin karnaa meel ka waangsan meesha uu hada marayo”

Ugu danbayntii Imaan Maxamed Yusuf Islow ayaa ka codsaday xildhibaanda baarlamaanka iney xukuumadda u fududeeyaan howlaha horyaala madaama Duubabka dhaqanku yihiin kuwii soo magacaabay xildhibaanada ayna mudan tahay iney tixgalin siiyaan codsigooda.

–DHAMAAD—

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12

 

curubo like

Shabakada Curubo.com Kala Soco Warbixino ku qanciya

Nagala Xiriir E-mail Curubo.com@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Hindi AF-somaali

ek khiladi Af-Soomaali
- Dec 17, 2016
The movie story deals with Venky who goes against Warangal’s dreaded don Babji by ...
Crook: It’s Good To Be Bad Af-Soomaali
- Dec 9, 2016

dishkiyaoon Af-Soomaali
- Nov 30, 2016
- Harman Baweja, Sunny Deol, Ayesha Khanna, Aditya Pancholi, Aditya Pancholi, Prashant Narayanan and ...
bajirao yogi Af-somaali
- Nov 25, 2016

raaz 2 Af-Soomaali
- Nov 19, 2016

Ae Dil Hai Mushkil Af-somaali
- Nov 13, 2016

RoAR tiger of sundarbans Af-Somaali
- Nov 8, 2016

Jai Veeru Af-Soomaali
- Oct 28, 2016
Jai Veeru in which once inseparable pals, Jai (Fardeen Khan) and Veeru (Kunal Khemu) ...
Lion Af-Soomaali
- Oct 20, 2016

Naughty @ 40 Af-Soomaali
- Oct 15, 2016
Laxminarayan lives in London along with his religious wife, Maya, son Ravinder, and two ...
10 ka Dum Af-Soomaali
- Oct 12, 2016
Vikram is a momentous driver, who can do the mind blowing in only ten ...
Bezubaan Ishq Af Somali
- Oct 9, 2016
The film has been shot in various parts of India like Jaipur, Jaisalmer and ...
Hindi Action (Athidhi) Af-Soomali
- Oct 2, 2016
An orphan boy, named Sunil, wanders through all of Delhi looking for a job. ...
Aaj Ka Naya Khiladi Af Somaali
- Sep 28, 2016
Superhit Action Movie Aaj Ka Naya Khiladi Hindi Dubbed version of Telugu movie Rechhipo. Synopsis: ...
Thadaka Af-Somaali
- Sep 24, 2016

error: Content is protected !!
Advertisements